Isniin, April 21, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta wuxuu shaaca ka qaaday in Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya uu ka fiirsanayo wada hadallada la doonayo in la isku soo hor-fariisiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Shiikh Shariif oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu sheegay in sababta ay wada hadallada uga fiirsanayaan ay tahay iyadoo ay Ciidamada Itoobiyaanka maalmihii tegay Magaalada Muqdisho ka geysteen xasuuq, isla markaana ay taasi ka aamusan tahay Beesha Caalamka.
“Waa ayaan darro, waana ka xunnahay in Mujtama Dowliga ah aanu ka hadleynin dhibaatooyinka shacabka Soomaaliyeed loo geysanayo, iyadoo la wado in arrinta lagu xaliyo hab siyaasadeed iyo hab diblumaasiyadeed, Isbaheysigana waa ka fiirsanaa wada hadalladii iyo barnaamijkii siyaasadeed ama diblumaasiga ahaa ee uu la waday Mujtama Dowliga ah haddii aan jawaab munaasab ah laga bixin arrintaas” ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ay shalay Masjidka Al-Hidaaya ee Degmada Huriwaa ay ku dileen Dad aad u badan oo ay weliba ku jireen Rag Culumaa’udiin ah oo qaarkood la gowracay, sidoo kalena ay xireen Dad kale oo u badnaa Arday wax ka baraneysay Dugsi Masjidkaas ku dhex yaala.
Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa uu ku celceliyay in haddii aan tallaabo laga qaadin Ciidamada Itoobiyaanka ah ee dhibaateynaya Shacabka Soomaaliyeed in ay ka fiirsanayaan wada hadallo ay ka qeybqaataan, wuxuuna weliba sii qadimay nooca ay yihiin tallaabooyinka ay beesha Caalamka qaadeyso, isagoo soo jeediyay in xayiraado gaar ah lagu soo rogo dad ka dambeeya xadgudubyadaas, in dhaqaalaha tirada badan laga joojiyo Ciidamada Itoobiya, Dalka Soomaaliyana laga saaro.
Hadalka uu sii daayay Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay socdeen wada hadallo la doonayo in la isku soo horfariisiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda, si mushkiladda Soomaaliya wada hadal loogu xaliyo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia