Shiikh Shariif iyo Wafdigii uu hoggaaminayay oo dib ugu laabtay Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea

Isniin, April 21, 2008(HOL): Waxaa dib ugu laabtay Caasimadda Dalka Eritrea ee Asmara Wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo in muddo ah ku sugnaa dalka Jabuuti.

Wafdiga Shiikh Shariif ayaa intii ay ku sugnaayeen Dalka Jabuuti waxay kulan la qaateen Madaxweynaha Dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle oo ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa Mushkiladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa intii ay ku sugnaayeen Dalka Jabuuti waxaa ay rajo wanaagsan ka muujiyay in xal loo helo mushkiladda Soomaaliya, iyagoo weliba caddeeyay in raadinta xalkaas loo mari karo wada hadal.

Ujeedada ugu weyn ee uu Wafdigan dib ugu noqday Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa warar aynu ka helnay Xubno ku dhow dhow Isbaheysiga dib u xoreynta waxay sheegayaan in ay la xiriirto sidii ay Xubnaha Isbaheysiga uga wada xaajoon lahaayeen qaabka ay u wajahayaan Wada Hadallada ay la gelayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

10-ka ilaa 15-ka Bisha May ee soo socota ayaa la filayaa in ay magaalada Djibouti kulan ku yeeshaan Guddiyo min 7 Xubnood ah oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, iyadoo haatanna ay labada dhinac diyaarinayaan xubnihii guddiyadaas ka mid noqon lahaa.

Guddiyadaas Jibouti ku shiraya horaanta bisha soo socota ee May ayaa waxaa dhexdhexaadineysa Qaramada Midoobay oo Wakiilkeeda Xoghayaha Guud u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah uu dadaal weyn ugu jiro sidii uu is-faham uga dhex dhalin lahaa dhinacyada isku haya Soomaaliya, isagoo weliba mar uu dhawaan hadlayay rajo wanaagsan ka muujiyay in ay Soomaalida dhexdooda xal gaari karaan haddii laga dhex baxo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia