Doon Kalluumeysi oo laga leeyahay Dalka Spain oo Xeebaha Soomaaliya lagu qafaashay

Isniin, April 21, 2008(HOL): Doon kuwa lagu kalluumeysto ah oo laga leeyahay dalka Spain, isla markaana lagu magacaabo Playa De Bakio ayaa kooxo burcad badeed ah waxay ku qafaasheen xeebaha Soomaaliya.

Doontan oo markii ay Burcad Badeedka qafaalanayeen mareysay meel xeebaha Soomaaliya u jirta 250 Mile ayaa waxaa saaran 26 Shaqaale ah oo dhalasho ahaan isugu jira Spanish iyo Afrika.

Ma jiro wax dhaawac ah oo Shaqaalaha iyo Doonta ay wateen soo gaaray, waxa laga sugi karana waa kaliya in ay Kooxaha Doontan qafaashay ay soo sheegtaan lacag madax furasho ah sidii ay horay u sameyn jireen.

Markii uu soo baxay warkan ku saabsan in la qafaashay Doonta Kalluumeysi ee laga lahaa Dalka Spain ayaa waxay Dowladda Spain si dhaqsi u howlgelisay markab dagaal oo horay ugu sugnaa Badda Cas, kaasi oo haatan u dhaqaaqay halka lagu heysto Doontaas.

Kooxaha Burcad Badeedka ah oo horay macaash badan uga heli jiray Doomaha iyo Maraakiibta ay qafaashaan ayaa haatan waxay u muuqdaan kuwo ay Muufadoodii carro ku dhacday kadib markii dhawaan qaar ka mid ah Burcad Badeedkaas ay qabteen Ciidamo uu Faransiiska leeyahay oo daba joogay Doon ay saarnaayeen Dalxiisayaal oo Faransiiska u dhashay, kuwaasi oo ay qafaasheen Kooxo Burcad Badeed ah.

Lix ka mid ah Kooxihii Burcad Badeedka ahaa ee ay qabteen Ciidamada Faransiiska ayaa haatan waxaa lagu maxkamadeynayaa dalka Faransiiska, iyadoo ogolaasho looga helay Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay sheegtay Dowladda Faransiiska.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa wuxuu ammaanay doorka ay Dowladda Faransiiska ka ciyaareyso la dagaalanka Burcad Badeedka, wuxuuna sheegay in tallaabada ay Ciidamada Faransiiska qaadeen ay yareyneyso dhaqdhaqaaqyada ay Burcad Badeedka ka wadaan Xeebaha Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Kooxahan Burcad Badeedka ah ee qafaashay Doonta Kalluumeysi ee laga leeyahay Dalka Spain ayaa waxay  u muuqdaan kuwo aan calaf ku heli doonin Doonta ay heystaan, waxaana la filayaa in uu dul yimaado Markabka ay Dowladda Spain u soo dirtay in uu soo furto Doonta Playa De Bakio.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia