Meydad laga helay Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa oo ay shalay dagaallo ka dhaceen

Isniin, April 21, 2008(HOL): Waxaa saaka meydad hor leh laga helay xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir oo shalay iyo dorraad ay ka dhaceen dagaallo dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo hojreeda.

Ku dhawaad 20 meyd ah ayaa laga helay xaafadda Al-Kheyraad iyo Masjidka Al-Hidaaya, kuwaasi oo qaarkood la gowracay, halka meydad kalena laga helay xaaafado kale oo isla Degmada Huriwaa ku yaala.

Inta badan meydadka Dadkaas la gowracay waxay yaalaan Masjidka Al-Hidaaya ee Degmada Huriwaa, waxayna u badan yihiin dadkaas Culumaa’udiin ka tirsanaa Dariiqa Tabliiqa, kuwaasi oo Masjidkaas uu u ahaa meel ay isugu tagaan.

Waxaa saaka laga soo sheegayaa Deegaannada Waxar Cadde, SOS iyo qeybo ka mid ah Suuqa Xoolaha barakac aad u ballaaran oo ay sameynayaan dad faro-ku-tiris ah oo xaafadahaas ku noolaa, kuwaasi oo haatan ka cararaya in ay waxyeello ka soo gaarto dagaallo ay dhici karto in ay mar kale ka dhacaan xaafadahooda.

Barakaca dadkani ayaa wuxuu yimid kadib markii ay Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah ay fariisimo cusub ka sameysteen  Xarunta Warshaddii Barafuunka, halka lagu magacaabo Shineemo Cabdi Waayeel iyo Xaafadda Al-Kheyraad, kuwaasi oo dhamaantooda ka tirsan Degmada Huriwaa.

Dagaalladiii shalay iyo dorraad ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday dad 50 ruux ku dhow, halka ay ku dhaawacmeen Dad iyana 100 Ruux kor u dhaafaya, waxayna dadkaasi u badnaayeen kuwo rayid ah oo ay madaafiic ku dul habsadeen iyagoo guryahooda iska jooga ama dagaalka ka sii cararayay.

Ugu dambeyntiina, Labo Ruux oo Meyd ah ayaa saaka laga helay nawaaxiga Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Xaafadda Xamar Jadiid, gaar ahaan nawaaxiga Baar Hillaac, waxaana labadaas ruux oo midkood uu D’ ahaa la sheegay in ay toogteen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Muqdisho Stadium iyo qeybo ka mid ah Wadada 30-ka, iyadoo xiliga ay toogashadaas dhaceysayna ay Madaafiic ku socdeen Ciidamada Itoobiyaanka ee goobahaas ku sugan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia