Isniin, April 21, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan Gaadiidka Dagaalka ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay soo gaaray Deegaanka Kala-beyr oo qiyaastii 35km dhinaca W/bari kaga beegan Magaalada Beledweyne.
Ciidamada oo ka soo tallaabay dhinaca Xadka gaar ahaan Deegaanka Feer-feer ee dhulka Ismaamulka Itoobiya ayaa warar soo baxaya sheegayaan in ay ku soo wajahan yihiin Magaalada Beledweyne oo dhawaan ay isaga baxeen Mas'uuliyiitii Maamulka Gobalka kadib markii ay la wareegeen xoogagga ka soo horjeeda Siyaasadda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo Maalmihii aynu soo dhaafnay ku suganaa Deegaanka Feer-feer ayaa warar hoose sheegayaan in uu la socdo Ciidamada Itoobiya ee soo gaaray Kala-beyr walow aan si dhab ah arintaa loo cadeyn, laakiin waxaa saacadihii aynu soo dhaafnay jiray abaabul Guddoomiyuhu ku doonayo in uu dib ugu soo laabto Xarunta Gobalka Hiiraan.
Ciidamada Itoobiya oo bilihii aynu soo dhaafnayba ka waday qeybo ka mid ah Gobollada dhexe dhaq-dhaqaaqyo Malatari ah ayaa hadda u muuqda kuwo si gaar ah isha ugu haya Magaalada Beledweyne oo mudo ka badan Todobaad uusan si dhab ah u shaqeyn Maamulkii ka jiray, waxaana muuqaneysa durbaba shaki iyo cabsi ay muujinayaan dadka ku dhaqan Magaalada oo wax badan iska weydiinaya sida xaalku isku badali doono marka ay magaalada soo gaalaan Ciidamada Itoobiya oo uu wehliyo Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan.
Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed ) ayaa la oran karaa waa Mas'uulka kaliya ee wali ku sii harsan Maamulka Gobalka Hiiraan madaama ay is wada casileen xubnihii ka hooseeyay oo iyagu sheegay in ay xilalkoodii ay uga tageen sababo la xiriira marxaladda uu dalku marayo.
Sidoo kale waxaan la ogeyn halka uu ku sugan yahay Gudoomiyaha Degmada Beledweyne Cilmi Saney Qaasim oo xitaa qaar ka mid ah Ku-xigeenadiisii baneeyeen xilalkooda marka laga soo tago Ku-xigeenka Arimaha Bulshda Degamada Beledweyne C/raxmaan Cilmi Buriki oo sheegay in uusan markii horeba aheyn Mas'uul xil haya.
Inkastoo marxalada haatan ay ku sugan tahay Magaalada Beledweyne la oran karo waa mid ka duwan sidaa hore ayaa hadana waxaa muuqaneysa in wali xaalkun uusan fududeyn, waayo gudaha magaalada waxaa jooga kooxaha ku kacsan Dowladda Federaalka oo xaafadaha qaar roondo ka sameynaya, halka Ciidamo Itoobiyaan ah oo doonaya in ay kooxahaasi meesha ka saaraana soo gaaraan qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan taasoo muujineysa sawir aan wanaagsaneyn Nabad-galyada dadka rayid ka ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo gaaray Deegaanka Kala-beyr iyo Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo loo maleynayo in uu la socdo Ciidamada Itoobiya.
More News
- Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo sheegay in uu ka fiirsanayo Wada Hadallada la doonayo in la isku soo hor-fariisiyo Dowladda Federaalka
- Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo maanta xiray Madaxa Wararka Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho
- Cawke iyo Hereri oo ku Biiray Taleefishin Cusub
- Meydad laga helay Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa oo ay shalay dagaallo ka dhaceen
- Shiikh Shariif iyo Wafdigii uu hoggaaminayay oo dib ugu laabtay Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea
- Doon Kalluumeysi oo laga leeyahay Dalka Spain oo Xeebaha Soomaaliya lagu qafaashay
- Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha oo Warsaxaafadeed ka soo saartay Dagaalladii ay dadka badan ku dhinteen ee Muqdisho ka dhacay