Cawke iyo Hereri oo ku Biiray Taleefishin Cusub

London,UK

Isniin, April 21, 2008 (HOL) - LondonLabada wariye ee caanka ah, Axmed Xasan Cawke iyo Cabdisalaam Hereri ayaa ka tagaya idaacadda Voice of America, kuna biiraya taleefishin cusub oo la magac baxay RAAD TV International oo dhawaan laga hirgaliyey dalka Ingiriiska.

 

Ruug caddaaga warbaahinta Somaaliyeed caanka ka ee ku biiraya taleefishinka cusub waxaa kamid ah Maxamud Sh. Dalmar iyo Maxamud Ducaale oo labaduba hore  BBC-da uga shaqayn jiray.

 

Sida wararku  tibaaxayaan waxaa telefishinkaas hordhaciisa la daawan doonaa 2da bisha May, 2008. Waxaa laga arki doonaa dhammaan Africa, Asia, Australia iyo Europe, marka laga reebo Ingriiska.  Waxaan Ingriiska laga arki doonaa  bartamaha June.

 

Waxa laga heli doonaa:

Thaicom 5-       3551 Horizontal-

Symbol rate 13333

Fec:3/4

Transponder 4GL