Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo maanta xiray Madaxa Wararka Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho

Isniin, April 21, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay xireen Madaxa Wararka Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho Cabdi Maxamed Ismaaciil (Cabdi Cuud).

Wariyaha ayaa markii ay Ciidamada Dowladda qabanayeen waxaa uu ku sugnaa Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho, isagoo marka la qabanayay ka soo tegay gurigiisa, isla markaana ku sii jeeday Xarunta Idaacadda Shabeelle.

Sida uu sheegay maamulka Idaacadda Shabeelle Wariye Cabdi Cuud ayaa Ciidamada qabtay waxay u kaxeysteen dhinaca Xeradii Guul-wadayaasha ee Degmada Hodan, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu soo tababaray Dalka Itoobiya.

Wariye Cabdi Maxamed Ismaaciil (Cabdi Cuud) ayaa wuxuu ka mid yahay wariyayaasha ugu caansan magaalada Muqdisho, wuxuuna marka laga soo tago in uu yahay madaxa Wararka Idaacadda Shabeelle uu wax ka daadihiyaa Barnaamijka Qubanaha Shabeelle ee habeen kasta ka baxa Idaacadda, isagoo weliba dhinacyada isku haya Siyaasadda Soomaaliya weydiiya su’aalo kul-kulul oo ay si weyn dadka Soomaaliyeed u rabaan in ay uga jawaabaan mas’uuliyiinta dhinacyada is-haya.

Haddaba ilaa iyo haatan lama garanayo waxa ay Ciidamada Dowladda u kaxeysteen Wariyahaas, mana jiro mas’uul ka tirsan Dowladda Federaalka oo ka hadlay waxa  Wariyaha loo xiray.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, ma ahan Wariyihii ugu horeeyay oo ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya xabsiga dhigaan, waxaana horay loo xiray Wariyayaal dhowr ah oo ka howlgeli jiray Idaacado Muqdisho ku yaala oo aan ka xusi karno Horn Afrik, Shabeelle, Simba, Banaadir, Somaliweyn, IQK iyo  Codka Nabadda oo dhawaan wariyayaal ka howlgelayay ay Ciidamada Dowladda xireen, inkastoo la sii daayay wariyayaashaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia