Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo Shaacisay Dilka Hoggaamiyeyaal Sare oo Al‑Shabaab ah

Cabirka Farta

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo Shaacisay Dilka Hoggaamiyeyaal Sare oo Al‑Shabaab ah

Sabti, January 3, 2026 (HOL) - Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo faahfaahin ka bixiyay howlgallo amni oo ballaaran oo ay dhawaan fuliyeen Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, kuwaas oo si gaar ah loogu beegsaday hogaamiyeyaal sare ee ka tirsan kooxda Al‑Shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in shirka jaraa’id ujeedkiisu ahaa in shacabka Soomaaliyeed lala wadaago guulo amni oo muhiim ah oo la gaaray maalmahan, gaar ahaan howlgallo sababay in la dilo qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha ugu khatarta badan Kooxda Al‑Shabaab.

Wasiir Fiqi wuxuu xaqiijiyay in 10‑kii December 2025, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), iyada oo kaashaneysa saaxiibada caalamiga ah, ay fulisay duqeyn hawada ah oo si xeel dheer loo qorsheeyay, taas oo ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Jilib ayuu wasiirku ku tilmaamay inay tahay xarunta ugu muhiimsan ee Al‑Shabaab, halkaas oo ay ku sugnaayeen hoggaamiyeyaasha kooxda, lagu tababaro dagaalyahannada cusub, laguna diyaariyo qaraxyada iyo qorsheyaasha weerarrada.

Howlgalkaas ayaa lagu dilay labo hoggaamiye oo ka mid ahaa kuwa ugu halista badan taariikhda Al‑Shabaab oo kala ahaa Abdullaahi Cismaan Maxamed Abuu Bakar (Engineer Ismail) oo ahaa Khabiirka ugu weyn ee qaraxyada kooxda, isla markaana loo diyaarinayay inuu noqdo hoggaamiye sare mustaqbalka iyo Cabdikariin Maxamed Xirsi (Qoorleex) oo Mas’uul ka ahaa ammaanka gudaha iyo qorsheynta weerarrada dibadda.

Wasiirku wuxuu sheegay in labadaas nin ay si toos ah mas’uul uga ahaayeen qaraxyo, dilal qorsheysan, iyo falal argagixiso oo waxyeello weyn u geystay shacabka Soomaaliyeed.

Intaa kaddib, Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in Ciidamada Gaarka ah ee Danab ay fuliyeen howlgal kale oo ka dhacay Buulo Fulaay, kaas oo lagu dilay in ka badan 20 dagaalyahan oo Al‑Shabaab ah, isla markaana lagu burburiyay Idaacadda Andalus, oo ahayd warbaahin ay kooxda u adeegsan jirtay dacaayad iyo marin-habaabinta.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay in dib loo furay waddada xeebta Muqdisho iyo Marka, taas oo muddo dheer ay Al‑Shabaab u adeegsan jirtay inay ku cabsi geliso shacabka una carqaladeyso ganacsiga iyo isu socodka dadka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Hay’adda NISA doorkii ay ku lahayd ururinta sirdoonka, wuxuuna sidoo kale ammaanay Dowladda Mareykanka taageerada hawada ee ay ka geysatay howlgalladaas.

“Bishii la soo dhaafay, Al‑Shabaab waxay la kulantay khasaaraha ugu weyn ee dhinaca hoggaanka iyo dagaalyahannada, Hoggaamiye argagixiso ah ma jiro oo ka badbaadi kara gacanta dowladda, Haddii ‘Injineerkii weynaa’ uusan baxsan karin, cid kale ma baxsan karto.” ayuu yiri wasiir Fiqi.