Dagaalo iyo duqeymo ka dhacay Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab

Cabirka Farta

Dagaalo iyo duqeymo ka dhacay Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab

Sabti, January 3, 2026 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal iyo duqeymo ka dhan ah Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Wargaadhi oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhaxe.

Dagaalka ayaa dhacay shalay galinkii hore, kadib markii xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab ay weerar kuso qaadeen fariisimo ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin deegaan Wargaadhi. 

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in weerarkii Shalay jab xoogan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadkii, islamarkaana ciidanku ku guuleysteen iney ka hortagaan damacii kooxda ka laheyd deegaanka. 

Warbaahinta dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale xaqiijisay in weerarkii Shalay lagu dilay laba ka mid ah horjoogayaasha Al-shabaab oo magacyadooda lagu kala sheegay Cabdiwali iyo Luqmaan iyo Maleeshiyaad kale oo ka tirsan kooxda. 

Labada horjooge ayaa la tilmaamay in kooxdu ay u qaabilsanayeen dhanka dhibaateynta dadka shacabka ah ee deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe. 

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaank Wargaadhi ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Danab maanta howlgalo culus ka wadaan tuulooyinka ku dhadhaw deegaanka Wargaadhi iyo goobo la tuhun san yahay iney ku dhuumaaleysanayeen Al-shabaab. 

Howlgaladan ayaa qeyb ka ah howlgalo Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka wadaan maalmahii ugu dambeeyay deegaano iyo degmooyin ka kala tirsan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.