Madaxweyne Xasan Sheekh: Aqoonsiga Israaiil ee Somaliland wuxuu fursad u abuuri karaa Al-Shabaab

Cabirka Farta

Madaxweyne Xasan Sheekh: Aqoonsiga Israaiil ee Somaliland wuxuu fursad u abuuri karaa Al-Shabaab

Sabti, January 3, 2026 (HOL) - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay in xiisadaha gobolka ee la xiriira Somaliland ay abuuri karaan fursado cusub oo ay ka faa’iidaystaan kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya sagoo la hadlayay Al Arabiya English, ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guulaysanayso dagaalka ka dhanka ah argagixisada, balse ay halis cusub ka dhalan karto faragalinta Israaiil ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ka digay in joogitaan ama saameyn Israa’iil ku yeelato Somaliland ay ka faa’iidaysan karto Al-Shabaab, maaddaama kooxda alshabaab ay  sheegato inay ka soo horjeeddo faragelinta shisheeye ee gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in Al-Shabaab ay u badan tahay inay arrimahaas u adeegsato dacaayad ay ku soo jiidato dagaalyahanno cusub isla markaana ku kordhiso maalgelinteeda.

“Al-Shabaab waxay isu soo bandhigtaa inay ka soo horjeeddo shisheeyaha,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in kooxdu ka dhigi doonto ku lug lahaanshaha Israa’iil marmarsiiyo ay ku dardargeliso weerarro cusub iyo abaabul.

Inkastoo uu qiray khatarta jirta, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku adkaystay in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay maanta ka awood iyo diyaarsanaan badan yihiin mar kasta oo hore si ay ula tacaalaan hanjabaadaha noocaas ah.