Golaha Shacabka Soomaaliya oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Daawada

Cabirka Farta

Golaha Shacabka Soomaaliya oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Daawada

Sabti, January 3, 2026 (HOL) - Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka  Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Daawada, kadib markii ay ka doodeen isla markaana cod u qaadeen.

Kalfadhiga ayaa ahaa kii 7-aad, kulankiisuna wuxuu ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoomineysay Guddoomiye ku xigeenka koowaad, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar waxaana Natiijada Codeeynta ay noqotay 141 Xildhibaan oo taageertay hindisaha, 1 Xildhibaan oo ka aamustay iyadoo aysan jirin Wax diidmo ah sida ay ku dhawaaqday Marwo Sacdiya.

Ansixinta hindise sharciyeedka ayaa timid kadib markii guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka uu xildhibaannada u soo bandhigay warbixinta akhrinta saddexaad ee hindisaha.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadan, iyo Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi, ayaa xildhibaannada uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedka, iyagoo sheegay in waqtigan uu muhiim u yahay bulshada Soomaaliyeed oo ay baahi weyn u qabaan adeegyada caafimaadka.

Intii lagu guda jiray kalfadhiga, mudanayaasha ayaa sidoo kale ka dooday Axdiga Xakameynta Tubaakada, iyagoo ka hadlay Saameynta xun ee tubaakadu ku leedahay bulshada, gaar ahaan dhallinyarada iyo Baahida loo qabo in la sameeyo siyaasado mideysan oo ka hortagaya isticmaalka tubaakada

Mudanayaasha ayaa sidoo kale la siiyay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Amniga Seybarka Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta, si loo sii wado dib-u-eegista iyo ansixinta sharciyada muhiimka ah ee dalka.