Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo Dil Toogasho ah ku Fuliyay Askari ka tirsanaa Ciidamada Madaxtooyada

Cabirka Farta

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo Dil Toogasho ah ku Fuliyay Askari ka tirsanaa Ciidamada Madaxtooyada

Sabti, January 3, 2026 (HOL) - Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah u fulisay xukun dil toogasho ah oo lagu riday dable Aadan Ibraahim Axmed Macoow, kaas oo ka tirsanaa ciidamada madaxtooyada Jubbaland.

Xukunka dilka ah ayaa ka dhashay fal uu Aadan Ibraahim horey ugu dilay Allaha u naxariistee Cabdifataax Cumar Shariif, oo ay ka wada tirsanaayeen ciidamada madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubbaland, Dilkaasi ayaa dhacay 24-kii Juun 2025, kaddib muran soo kala dhexgalay labada askari.

Sida ay sheegayaan wararka rasmiga ah, muranka labada askari ayaa ku billowday kabo ciidan oo ay isku qabsadeen, taas oo ugu dambeyn isku beddeshay gacan ka hadal, halkaas oo Aadan Ibraahim Axmed Macoow uu mindi ku dilay saaxiibkiis Cabdifataax Cumar Shariif.

Kaddib baaritaanno socday muddo, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa saddex jeer u fariisatay dhageysiga dacwadda, iyadoo ugu dambeyn go’aamisay in eedeysanaha lagu xukumo dil toogasho ah, taas oo ah qisaasta marxuum Cabdifataax Cumar Shariif.

Maanta ayay maxkamaddu si buuxda u fulisay xukunkaas, iyadoo goobta fulinta xukunka ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan laamaha ammaanka iyo cadaaladda. Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Cali, xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland, ayaa warbaahinta u akhriyay xukunka, isagoo xaqiijiyay in qisaasta si sharci ah loo fuliyay.

Fulinta xukunkan ayaa imaaneysa xilli maamulka Jubbaland uu marar badan ku celceliyay in uu adkeynayo ilaalinta sharciga, isla markaana aan marnaba la aqbali doonin dambiyada ka dhex dhaca ciidamada qalabka sida.