
Sabti, January 3, 2026 (HOL) - Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cismaan, ayaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta Qaramada Midoobay, kaddib markii Soomaaliya si rasmi ah ula wareegtay hoggaaminta Golaha Ammaanka ee Q.M. bishaan Janaayo 2026.
Safiirku waxa uu shirka ku faahfaahiyay barnaamijka shaqo ee Golaha Ammaanka inta lagu jiro bishan, mudnaanta ay siinayso madaxtinimada Soomaaliya, iyo habraacyada ay ku doonayso inay u maamusho ajandayaasha culus ee horyaalla golaha.
Ugu horrayn, Safiir Abuukar Baale ayaa sheegay in hoggaaminta Golaha Ammaanka ay Soomaaliya u tahay guul taariikhi ah, maadaama ay tahay markii ugu horreysay muddo ka badan 50 sano oo dalka dib ugu soo laabto door hoggaamineed oo heer caalami ah, tan iyo xubinimadeedii Golaha Ammaanka dabayaaqadii 1970-meeyadii.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in tani ay muujinayso sida ay Soomaaliya uga go’an tahay adkaynta iskaashiga caalamiga ah, ilaalinta sharciga caalamiga ah, dhowrista Axdiga Qaramada Midoobay, badbaadinta rayidka, iyo xallinta colaadaha si nabadeed.
Safiirka ayaa tilmaamay in inta lagu jiro bishan, Golaha Ammaanka uu diiradda saari doono xaaladaha ka taagan Bariga Dhexe, gaar ahaan dhinacyada siyaasadeed iyo bini’aadantinimo, iyo sidoo kale arrimaha Yemen, Suuriya, Lubnaan iyo Haiti. Waxa kale oo goluhu dhageysan doonaa warbixin ka timaadda Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) oo ku saabsan xaaladda Suudaan, halka sidoo kale laga doodi doono howlaha qaar ka mid ah hawlgallada nabad-ilaalinta Q.M., sida hawlgalka Qubrus (UNFICYP), iyo shaqada Xafiiska Qaramada Midoobay ee Diblomaasiyadda Ka-hortagga ee Bartamaha Aasiya.
Sidoo kale, Safiirka ayaa shaaciyay in la qaban doono dood heer sare ah oo ku saabsan xoojinta ku-dhaqanka sharciga iyo doorkiisa ilaalinta nabadda iyo ammaanka caalamiga ah, taas oo ku beegan sannad-guuradii 80-aad ee ansixinta Axdiga Qaramada Midoobay, Waxa uu xusay in tani ay fursad u tahay beesha caalamka inay dib u eegto ballanqaadyadii hore iyo caqabadaha weli taagan.
Intaa waxaa dheer, waxaa la qorsheeyay fadhi heer sare ah oo uu guddoomin doono Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo diiradda lagu saari doono xaaladaha Bariga Dhexe, gaar ahaan dhulalka Falastiin ee la haysto, Yemen, Suuriya iyo Lubnaan, iyadoo la doonayo in la helo dood ballaaran oo heer madaxweyne ah.
Safiirka Soomaaliya ayaa si adag uga jawaabay su’aallo la xiriiray sheegashada Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland, Wuxuu caddeeyay in midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay yihiin arrin aan marnaba laga tanaasuli karin.
Safiirku waxa uu sheegay in xadgudubyadii dhacay xilligii taliskii militariga ay ka dhaceen meelo kala duwan oo dalka ah, isla markaana ay mas’uul ka ahaayeen dhinacyo kala duwan, taas oo aanu sharciga caalamiga ah u aqoonsan karin xasuuq si gaar ah loogu bartilmaameedsaday hal qolo ama deegaan.
Wuxuu xusay in dowladihii is-beddelay ee Soomaaliya ay dadaal u galeen bogsiinta dhaawacyadii hore, iyada oo loo marayo dib-u-heshiisiin qaran iyo wada-hadal siyaasadeed.
Ugu dambayn, Safiir Abuukar Daahir Cismaan ayaa ku tilmaamay ku dhawaaqista Israa’iil mid looga gol leeyahay in lagu weeciyo indhaha caalamka xaaladda halista ah ee ka jirta dhulka Falastiin, isagoo xusay in Golaha Ammaanka uu si cad u taageeray midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Wuxuu adkeeyay in Soomaaliya ay tahay hal dal, hal shacab, hal diin iyo hal mabda’, isla markaana aan la aqbali karin kala-qaybin ama goosasho.