Isniin, September, 30, 2019 (HOL)-Maalinta berri ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 01 bisha October sanadka 2019ka ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka furmo shirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, kaa oo markii ugu horeysay gudaha dalka Soomaaliya lagu qabanayo.
newsinsideDowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso in markii ugu horeysay shirkan heerka caalami ah uu ka furmo magaalada Muqdisho, iyadoo horay loogu soo qabtay marar badan oo is xigxigay dalka dibadiisa.
Shirkan oo socon doona muddo Labo cisho ay ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa hormarinta Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada, Arrimaha Bulshada, Amniga, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo waliba Cadaallada.
Warkan dowladda ka soo baxay ayaa lagu sheegay ku qabashada shirkan gudaha dalka Soomaaliya ay tusaale u tahay guulaha ay dowladdu ka gaartay siyaasadda Arrimaha Dibadda.
Waxaa shirkan marka laga soo tago madaxda ugu sareysa dowladda sidoo kale ka qeybgali doona madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada oo lagu marti-qaaday, laakiin lama oga cidda dowlad gobolleedka Jubbaland ku matali doonta shirkan, iyadoo la ogyahay xurgufta siyaasadeed ee labada dhinac.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]