Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Ballidoogle

 

Isniin, September, 30, 2019 (HOL)-Dowlada Federalka ayaa sheegtay in uu fashilmay weerar xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab ku qaadeen saldhigga Ballidoogle oo fariisin u ah ciidamo Mareykan ah, AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

newsinsideSida lagu daabacay wakaalada wararka ee SONNA ayaa lagu sheegay in  weerar ay ku soo qaadeen Al-Shabaab saldhigga Balli  doogle ay ka hortageen ciidamada saldhigga ku sugnaa lana fashiliyay.

“Maleeshiyada Alshabaab ayaa maanta isku dayay in ay weeraraan saldhig Ciidanka Xoogga Dalku ku leeyihiin Ballidoogle gobolka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale dowlada federalka ayaa sheegtay in la diley dhammaan dagaalamayaashii soo weeraray saldhigga Balli Doogle.

Inkastoo ay guulo ka sheegteen dagaalkan dowladda federalka iyo ururka  Al-Shabaab ayaan jirin warar madax-banaan oo ku saabsan dagaalka maanta  ka dhacay Saldhigga Ballidoogle.

Saldhigga Balli-doogle oo ku yaal duleedka degmada Wanlaweyn ee  Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa saldhig ku leh ciidamo Mareykan ah,  ciidanka DANAB iyo Ciidan ka tirsan AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]