
Isniin, September, 30, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in uu dib ula soo laabtaymas’uuliyadii Galmudug oo sida uu hadalka u dhigay bishii July uu ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya.
newsinsideXaaf ayaa sheegay in go’aankan uu qaatay kaddib markii uu ogaaday in dowladdu ku fashilantay muddo saddex bilood ah in natiijo la taaban karo ka gaarto arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha Galmudug loo dhan yahay.
Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo magacaabi doono guddiyo ka shaqeeya arrimaha dib-u-heshiisiinta, doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka.
Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug madaxweyne Xaaf ayaa bishii July ee sanadkan Qoraal uu soo saaray ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya dhismaha Galmudug loo dhan yahay, hasse ahaatee waxaa muuqata in uu hadda dib u soo cusboonaaday khilaafkii horey-ba uga dhaxeeya dowladda iyo madaxweynaha maamulka
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]