
Isniin, September, 30, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax aad u xooggan oo jugtiisa looga maqlay inta badan magaalada Muqdisho oo barkhanimadii maanta lagula eegtay magaalada Muqdisho gaadiid ay la socdeen ciidamo Talyaani ah.
newsinsideGoojoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxan lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo halkaasi marayay, waxaana wararka qaar sheegayaan in lala eegtay gaadiidka ciidamo Talyaani ah oo mararay wadada Warshadaha agagaarka Kulliyada Jaalle Siyaad.
Qof ka mid ah dadkii ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in qaraxaa uu ka dhashay Khasaaro soo gaaray dad shacab,isla markaana uu arkay Saddex ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan,kuwaasi oo loo qaaday mid kamid ah coobaha caafimaad ee ku yaalla Muqdisho.
Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in qaraxan uu haleelay mid ka mid ah gaadiidkii kolanyada ahaa ee bartilmaameedsaday.
Wali lama oga khasaaraha soo gaaray ciidamada weerarka lagu qaaday oo qaraxa kaddib xiray isku socodka goobta lagu weeraray.