Isniin, September, 30, 2019 (HOL)-Wararka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in tirado dad ah lagu soo xir xiray howlgal xalay sameeyeen ciidamada amaanka dowlad gobolleedka Puntland.
newsinsideCiidamadan ayaa si gaar ah u bartilmaameedsanayay gadiidka iyo dadwaynaha qaybahooda kala duwan waxaa ay sidoo kale ciidamada ay Gaadiidka ka fiiqayeen sida ay sheegeen goobjoogayaal Bacaha Madow ee Miraayadaha lagu xiro.
Saraakiisha howlgalkan qeybta ka ahaa ayaa sheegay in howlgalka ay sidoo kale kula dagaalamayeen Dhalinyaro xilliyada habeenkii dadka ka dhaca magaalada kuwaas oo ay cabasho ka keeneen shacabka Boosaaso.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka lagu soo qab-qabtay tiro dhalinyaro, islamarkaana baaritaano lagu sameyn doono cidii dambi lagu waayana la siidaeyn doono.
Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ka mid ah deegaannada ugu badan oo ay ka dhacaan falalka amaan darro marka la eego Puntland,waxaana mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxyo lala eegto mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]




