Ururka Al-shabaab oo mar kale soo bandhigay qaar ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaannada Federaalka

 

Isniin, September, 30, 2019 (HOL)- Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaliya iyo ciidamada AMISOM ayaa mar kale deegaannada ay maamulaan ku soo bandhigay qaar ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

newsinsideErgadan oo ay tiradoodu dhameyd 76 ruux ayeey Al-shabaab ku soo bandhigeen deegaanka Buullo fulaay ee gobolka Baay.

Al-Shabaab ayaa horay waxaa ay deegaanno kala duwan kusoo bandhigeen Ergooyin ay sheegeen in ay ahaayeen kuwii doortay Baarlamaanka Soomaaliya, iyaga oo sidoo kale waqti dheeri ah ugu daray kuwa aan weli ku tegin waqtigii hore ee loo qabtay.

Dowladda Soomaaliya oo horay arintan uga hadashay ayaa sheegtay in odayaasha ay Al-shabaab ku tilmaamayaan Ergada aheyn kuwii saxda ahaa ee soo doortay xildhibaannada, waxaana ay intaa ku dartay in ay yihiin oo kaliya shaqsiyaad la qasbay oo laga soo ururiyay gobollada dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]