4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2019
Munaasabad lagu xusayay Sanad guuradii 30aad ee Midowga Jarmalka oo Muqdisho lagu qabtay


Axad, October, 07, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre, ayaa Muqdisho uga qayb galay munaasabad lagu xusayay maalintii ay jamhuuriyaddii federaalka Germany iyo Jamhuuriyaddii Dimuquraadiga Germeny ay ku midoobeen hal dowlad iyo hal calan.

October 3, 1990, ayaa jamhuuriyaddii federaalka Germany iyo Jamhuuriyaddii Dimuquraadiga Germeny waxa ay ku midoobeen dowladda federaalka Jarmalka, waxaana sannad waliba, bisha October laga xusaa gudaha dalka Germany iyo safaaradaha ay adduunyada ku leeyahay, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu Jarmalka ugu hambalyeeyey soddonka sano oo midnimada ah.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay Germany ka baranayaan sida qaran loo mideeyo xilliga ay adagtahay, sida dhibaatooyinkii dhacay loogu bedelo mustaqbal barwaaqeysan, qorshaha dadka leesugu keeno, looguna sameeyo bilaaw cusub oo wanaagsan, khibradda federaalka, qaybsiga kheyraadka iyo dhismaha hannaanka looga gubo kala qaybsanaan soddon sano jirsatay.

Dowladaha Soomaaliya ayaa xariir iyo iskaasho xooggan oo soo jireen  waxa ay la leedahay dowladda Germany oo kamid deeq bixiyaasha taageera  dowladda, sidoo kalana dalkeeda ku soo dhaweysay kumannaan qoysas  Soomaaliyeed ah oo dalka ka tegay xilligii ay xumeyd.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]