4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2019
Kulamo ku saabsan sharciga doorashooyinka oo ka soconaya magaalada Muqdisho

 

Isniin, October, 07, 2019 (HOL)-Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa kulan xarrunta Villa Hargeysa waxa ay kula yeesheen Xildhibaanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee kasoo jeedo Goboladda Waqooyi ee Soomaaliya.

Ujeedka kulanka uu guddiga la yeeshay xildhibaanadda iyo Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeedo goboladda Waqooyi ee soomaaliya ayaa ahaa sidii  ay aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka ay ugu soo  bandhigi lahaayeen guddiga.

Xildhibaanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee kasoo jeedo Gobolada waqooyi ayaa guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka usoo bandhigay talooyinkooda iyo aragtiyadooda ku wajahan Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

“Marka hore waxa aan idiin kaga mahadcelinaynaa sida aad inooga ogolaateen in aan kulankaan wada yeelano, marka xigto waxaan idiin kaga mahadnaqaynaa sida aad guddiga aad ugu soo bandhigteen talooyinkiina iyo aragtiyadiina wanaagsan ee la xariiro sharciga doorashooyinka qaranka”waxaa sidaasi yiri gudooomiyaha Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/llaahi Abuukar Xaaji (Eng.Carab).

Tan iyo markii la magacaabay guddigaan waxa uu waday kulama uu la yeelanaayo qeybaha kala duwan ee bulshada si ay ula wadaagaan aragtiyadooda la xariira sharciga dooorashooyinka Qaranka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]