4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2019
Soomaaliya oo qeybgaleysa shir maanta ka furmaya magaalada Geneva oo looga hadlayo arrimaha Qaxootiga

 

Axad, October, 07, 2019 (HOL)-Shirka 70-aad ee hay’adda qaxootiga adduunka ayaa maanta ka furmaya magaakada Geneva ee dalka Switzerland waxaana ka qeyb-galaya wafuud heer caalami ah.

Shirkan ayaa sanadkaan waxaa diirada lagu saaraya arrimaha qaxootiga iyo dhibaatooyinka heysta dadka barakacay sidii xal loogu heli lahaaa  nolol cusubna loogu sameyn lahaa.

Soomaaliya ayaa waxaa shirka ku matalaya wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye waxaana la filayaa in  madashaasi ay qudbad ka jeediyaan wafdiga ka socda Soomaaliya.

Hay’adda Qaxootiga adduunka ayaa sheegtay in dhibaatooyin xoog leh  ay wajahayaan dadka qaxootiga ah ayna u sii dheertahay mustaqbal la’aan  heysata jiilalka ku dhasha qaxootiga iyo sidoo kale cafimaad daro.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]