4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2019
Guddoomiyihii degmada Buula-burte oo xilka laga qaaday iyo mas'uul cusub oo loo magacaabay

 

Isniin, October, 07, 2019 (HOL)- Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa xilkii looga qaaday guddoomiyihii degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan Cabdicasiis Duuroow iyo Duqii degmada Maxamed Fiidoow Cawaale.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Cadaale oo wareegtada xil ka qaadista soo saaray ayaa si ku-meel- gaar ah xilka ugu magacaabay Liibaan Cabdi Nuur [Burusoow]

Wararka ka imanaya degmada Buula-burte ayaa sheegaya in halkaa ay ka taaggan tahay xiisad ka dhalatay xil ka qaadista guddoomiyihii degmada, waxaana tallaabadan ay qaaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle imaneysa xili maalmihii ugu danbeeyayba uu jiray khilaaf xooggan oo ka dhashay qorshe la doonayay in Gole deegaan loogu sameeyo degmada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]