4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2019
Jubbaland oo ku gacanseyrtay Warkii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka

 

Isniin, October,  07, 2019 (HOL)- Maamulka Jubbaland ayaa jawaab adag ka bixiyay qoraal xalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu sheegay in Dowladda qorshe cusub u diyaarisay soo xulista iyo doorashada madaxweynaha Jubbaland loo dhan yahay.

Wasiirka Wasaaraadda Warfaafinta Jubbaland Eng Cabdi Xusseen Sheekh Maxamed oo la hadlay BBC ayaa sheegay in ay u arkaan qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha arin sharciga baalmarsan oo dhinaca kale la oran karo waa nasiib darro kale oo u soo hooyatay umadda Sooomaaliyeed.

‘’Annaga Qoraalkaasi waxaa u aragnaa qeyb ka mid ah hab dhaqankoodii hore oo ay ku cadaadinayeen bulshada ku dhaqan deegaannada [Jubbaland] waana ogtihiin doorashadii halkan ka dhacday ee lagu soo doortay madaxweyne Axmed Madoobe Wasaaradda Arrimaha Guduhu wax raad ah kuma laheyn, sidaa daraadeed ma jirto sabab ay hadda u soo fara-galiso’’ ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in dowladda si ku tala-gal ah u baalmareyso sharciga iyo Dastuurka dalka u yaala isaga oo yiri’’ Dadka Soomaaliyeed cid aan waxba akhrin karin wey yar tahay, sidaa daraadeed waxaa loo baahan yahay in dadku arkeen waxa uu Dastuurku dhigayo iyo in ay is waafaqsan yihiin tallaabooyinkan ay dowladdu qaadeyso’’ waxaana uu intaa ku daray in dadka reer Jubbaland leeyihiin maamul ay soo doorteen oo cidna is hortaagi karin.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qorshey-neyso dhismaha maamul cusub oo ay heshiis ku wada yihiin dadka degga deegaannada Jubbaland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]