4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2019
Dowladda Soomaaliya oo ka digtay in leys hortaago qorshaheeda maamul u sameynta Jubbaland

 

Isniin, October, 07. 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay in ley hortaago qorshaheeda ku wajahan soo xulista xildhibannada iyo doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland, kaddib habraacii  doorasho ee xalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in  qorshaha cusub ee soo xulista Baarlamaanka Jubbaland iyo doorashada  Madaxweynaha Jubbaland ciddii ka hor timaada ay diidan tahay Nabadda.

” Cidkaste oo is hortaag ku sameysa qorshaha nabadeynta iyo  maamul dhisidda waxaa loo aqoonsan doona Caqabad nabadda hor taagan waxaana lala tiigsan doona Sharciga” ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Khilaafka ka dhex taagan dowlada dhexe iyo maamul gobolleedka  Jubbaland ayaa sababay in dowladda Soomaaliya ay xayiraad saarto  Magaalada Kismaayo, taasoo ay kala kulantay falcelin aan wanaagseyn oo  bulshada kaga timid.

Warkan ka soo baxay Dowladda Federaalka ayaa imaanaya xili magaalada Kismaayo looga diyaargaroobayo munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]