4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 11, 2019
Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kismaayo

 

Jicmo, October, 11, 2019 (HOL)- Waxaa maanta ka deggay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland wafdi uu horkacayay guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare Abshir Bukhaari.

Waxaa sidoo kale wafdiga maanta taggay Kismaayo ka mid ah xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kuwaa oo dhamaantood ka duulay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga maanta taggay Kismaayo ayaa ku biiraya mas’uuliyiinta siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka qeybgalaya munaasabada caleemo saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

Dowladda Federaalka ayaa siweyn uga biyo-diidan dib u doorashada madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana ay dowladdu sheegtay in aan dariiq sharci ah loo marin doorashadaas, sidaa daraadeed aysan aqoonsaneyn natiijada ka soo baxday.

Kismaayo sidoo kale waxaa madaxweynayaal uga dhawaaqay oo ku sugan Cabdirashiid Xidig oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka iyo Cabdinaasir Seeraar oo ah siyaasi horay ula soo shaqeeyay Axmed Madoobe, laakiin waayadii ugu danbeeyay ay siyaasada ku kala taggeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]