4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 11, 2019
Diyaarad shil ku gashay Garoonka Wilson ee magaalada Nairobi

 

Jimco, October, 11, 2019 (HOL)-Diyaarad rakaab ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha Wilson ee magaalada Nairobi kaddib markii diyaaradda ay ka baxday khadka garoonka ay diyaaradaha ku orddaan.

Shilka wuxuu dhacay xilli diyaaradda ay duuleysay, sida uu ku warramay wargeyska Daily Nation, ilaa hadda lama soo sheegin khasaare ka dhashay shilkaas.

Sidoo kale, wargeyska The Star ayaa baraha bulshada soo geliyay sawirka diyaaradda oo uu bur bur ka muuqdo mid ka mid ah baalasheeda,

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]