4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 11, 2019
Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaaalamay dulleedka degmada Jowhar

 

Jimco, October, 11, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya  in iskahorimaad hubeysan ciidamada dowlada federalka iyo dagaalamayaal Al-Shabaab  ah uu ku dhaxmaray deegaan dulleedka Koonfur Barri uga beegan magaalada.

Deegaanka lagu dagaalamay oo lagu magacaabo Deyma-Same ayeey wararku sheegayaanin iskahorimaad oo socday muddo  saacad ah uu sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac ah balse  illaa  iyo  hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii xoogag ka tirsan  Alshabaab ay  diideen in la xiro wabiga Shabelle oo ka fatahay deegaanka  Deymo-Same.

Wararka qaar ayaa sheegaya in si ulakac ah ay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay u fatahiyeen wabiga Shabelle gaar ahaan buqda Deyma-Same.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa fariisimo ku leh deegaano ku  yaal hareeraha wabiga Shabelle gaar ahaan inta u dhexeysa degmooyinka  Jowhar iyo Balcad ee gobolka Sh dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]