4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 11, 2019
Kulamo wadatashi ah oo ka soconaya magaalada Kismaayo

 

Jimco, October, 11, 2019 (HOL)-Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland waxaa ku sugan inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda hadda jirta ee Federaalka, waxaana ka mid ah mas'uuliyiinta Kismaayo ku sugan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xusseen Sheekh Maxamed oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in sababta mas'uuliyiintan u soo gaareen Kismaayo aheyd oo kaliya in ay ka qeybgalaan caleemo saarka madaxweyne Axmed Madoobe, balse sidoo kale ay jiri doonaan sida uu hadalka u dhigay kulamo wada tashi ah oo looga arrinsanayo  marxaladaha siyaasadeed ee dalka.

''Isku imaatinka mas'uuliyiinta ma'aha caleemo saar oo kaliya ee waxaa jira kulamo looga wada-hadlayo masiirka Umadda Soomaaliya Soomaaliya, Asxaab kala duwan ayaa timid, waxaa laga wada hadlayaa siyaasada Soomaaliya ee jahwareerka gashay, '' ayuu yiri Wasiirka.

Waxaa uu intaa ku daray in wax-yaabaha laga wada hadlayo ka mid yihiin sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee dalka la filayo in ay ka dhacaan, iyo arrimo ay ka mid yihiin dhameystirka Dastuurka iyo hagaajinta siyaasadda.

Axmed Madoobe madaxweynaha caleemo saarkiisa loo joogo Kismaayo ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay ka weecatay sida uu hadalka u dhigay nidaamkii lagu soo heshiiyay oo ay Umadda Soomaalyeed isku raacsanaayeen, sidaa daraadeed muhiim tahay in Soomaalidu ka wada hadlaan ayahooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]