4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 11, 2019
Abiy Axmed oo ku guuleystay biladda abaal marinta nabadda ee Nobel

 

Jimco, October, 11, 2019 (HOL)-Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku guuleystay biladda abaal marinta nabadda.

Biladda abaal marinta nabadda sannadkan 2019-ka waxaa la guddoonsiiyay ra'iisul wasaaraha Itooboya, Abiy Axmed.

Waxaana la bogaadiyay dadaallada nabadda uu garwadeenka ka yahay ee gobolka iyo kaalinta uu ka qaatay iskaashiga caalamiga ah.

Heshiskii nabadeed ay wada gaareen Itoobiya iyo Eritrea ayaa lagu soo afjaray dagaalkii 20 sanno socday oo u dhexeeyay labada dal.

Abiy Axmed ayaa loo magacaabay shakhsiga 100-daa ee ku guuleysta biladda abaal marinta nabadda ee Oslo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]