
Arbaco, November, 27, 2019 (HOL)- Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in dhankeeda ay si rasmi ah u dhaqangalisay heshiiskii dhawaan labada Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ku gaareen magaalada Nairobi
newsinsideQoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kenya ayaa lagu sheegay in Kenya ay dib uga laabtay go’aankeedii ahaa in diyaaradaha ka soo duula Garoonka Muqdisho soo maraan degmada Wajeer si baaritaan Amniga la xiriira loogu sameeyo, taa badalkeedana diyaaraduhu toos ugu soo gudbi doonaan magaaalada Nairobi.
Sidoo kale Qoraalka ayaa lagu sheegay in diblumaasiyiinta iyo xildhibaannada dowlada Soomaaliya ay dal-ku-galka Kenya ka qaataan marka ay tagaan dalka Kenya.
Qoraalkan ayeey dowlada Kenya ku sheegtay in ay si aad ah ugaga go’an tahay in ay fuliso heshiisyada labada dal.
Dhawaan ayeey aheyd markii labada madaxweyne Farmaajo iyo Kenyatta ku kulmeen magaalada Nairobi iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya xiriirka labada dal, laakiin waxaa la sheegay in heshiiska uusan wax xiriir ah la laheyn dacwada labada dowladdood u dhaxeysa ee salka ku haya muran xudduudeedka Badda.
Qoraalka ka soo baxay Kenya :-