Baarlamaanka Soomaaliya oo laga hor akhriyay sharciga Doorashooyinka Qaranka

 

Arbaco, November, 27, 2019 (HOL)-Kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen xildhibaannada Labada Aqal ayaa maanta laga hor akhriyay Sharciga Doorashooyinka Qaranka

newsinsideWaxaa dhawaan sharciga diyaarintiisa soo gabagabeeyay Guddiga  KMG ah ee sharciga doorashooyinka,guddigaas oo ka koobnaa 15 Xubnood oo  laga soo xulay xildhibaannada Golaha Shacabka.

Warbixinta Guddigan oo ee laga hor akhriyay Baarlamaanka ayaa waxaa  latashiyo kala duwan lagala sameeyay Dowlad  goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana dhammaan  warbixinta ku cadaa natiijada kulamada Guddiga soo waday ee la xiriiray  la tashiyada sharcigan. 

Marka la eego Warbixinta waxaa ku jiray qoddobo guddigu wax ka badal ku sameeyeen, waxaana ka mid ahaa in guddigu uu meesha ka  saaray hannaanka doorashada ee nidaamka Metelaada isu dheeli tiran ee  Liiska xiran (Proportional representation closed list), kaasoo ahaa mid  dhaliyay doodo kala duwan, gaar ahana sida la isku waafajin karo awood  qeybsiga 4.5.

Sharcigaan ayaa waxaa ku qoran in  Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay dooranayaan Shacabka, halka Baarlamaanka Labada Gole ay dooranayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda, si waafaqsan dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka, sida uu qabo qodobka 89aad ee Dastuurka.

Guddiga KMG ee diyaarinta Sharciga Doorashooyinka ayaa meesha ka saaray qodobkii ahaa in Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga hela kuraasta ugu badan Aqlabiyada Baarlamaanka ayaa ku guuleystay Jagada Madaxweynaha.

Guddiga ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda  uu ku imaanayo nidaam Baarlamaani ah, waxaana kulan wadajir ah ku  dooranaya Xildhibaanada labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya .

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]