Wararkii ugu danbeeyay xaalada Siyaasadeed ee degmada Dhuusa-Mareeb

 

Arbaco, November, 27, 2019 (HOL)- Magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug waxaa ka taagan is mari-waa siyaasadeed oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljameeca kaa oo salka ku haya dhismaha Galmudug cusub oo loo dhan yahay.

newsinsideGuddi ay dowladda u saartay dhismaha Galmudug ayaa maalin ka hor soo saaray hab raaca dhismaha doorashada iyo soo xulista xidhibaannada, waxaana talaabada siweyn ugu gacanseyray hoggaanka Ahlu Sunna oo dhankooda soo saaray hab raac ka duwan kan Dowladdu ay shaacisay.

Xilddhibaan Shaacir Sheegow Maxamed oo ka mid ah Ahlu Sunna Waljameeca, islamarkaana ka mid ahaa Baarlamaanka Galmudug ee waqtigiiso dhammaaday ayaa sheegay in ay diidan yihiin dhamaanba hab raacan ka soo yeeray guddiga ay dowladdu arintan u saartay.

Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii ugu danbeeyay xoojisay Amaanka guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee gobolka Galguduud, gaar ahaan degmada Dhuusa-Mareeb oo dhigay ciidamo dheeraad ah, waxaana ay dowladdu mamnuucday shirarka aan lagu soo war-galin laamaha Amniga.\

Tallaabadan ay qaaday dowladda ayaa u muuqata mid cadaadis lagu saarayo dhinacyada kale ee ka soo horjeeda hannaanka ay dowladdu maamuleyso dhismaha maamul Galmudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]