
Arbaco, November 27, 2019 (HOL )– Masuuliyiintii xisbiga WADANI ayaa xalay la soo daayey ka dib markii ergooyin waanwaan ka galeen sidii madaxdaasi loo siideyn lahaa.
newsinsideMasuuliyintan ka xidhnaa xisbiga WADDANI ayaa kala ahaa afhayeenkii xisbiga Barkhad Batuun, xoghayihii guud ee xisbiga Khadar Xuseen Cabdi iyo Cabdi Ibraahim oo hadda loo bixiyey ila meerayso.
Masuuliyiintan oo ku xidhna jeelka Mandheera markii la soo daayey waxa ka hor tagay dadweyne faro badan oo duleedka magaalada Hargeysa kaga hor yimid, markii dambana casho ugu sameeyey hoteelka Kaah ee bariga magaalada Hargeysa, waxaanay u mahad naqeen dadweynihii iskugu yimid halkaasi.
“Waxa noo muuqatay inaanu dad leenahay nala dhimanaya halka aanu tagnaba nala tagaya, cid kasta oo xadhiga nagula kacay ka hor timid waanu u mahadnaqaynaa”ayuu yidhi xoghayaha guud ee xisbiga Khadar Xuseen.
Sidoo kale, waxa halkaasi kahadlay ninka soo saaray kalmada loogu hadal haynta badan yahay ee Ila meerayso waa Cabdi Ibraahim oo madaxweyne Biixi u bixiyey ila meerayso.
“ Waa inaynu dhisnaa dawlad wadaag ah oo la wada leeyahay, Waa inaynu dalka ka riixnaa ila meerayso ila meerayasidii way dhamaataye macmiil ha ka dhigan”ayuu yidhi Cabdi Ila meerayso.
Baraha bulshada iyo goobaha la iskugu yimaado waxa si weyn loo hadal haya oo imika isku bedeshay xaraabaad kalmada ila meerayso oo uu oday Cabdi Ibraahim u bixiyey madaxweyne Biixi taas oo qosol isku bedeshay.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
Hargeysa, Somaliland.