Baarlamaanka Labada Aqal ee Soomaaliya oo wadajir u ansixinaya hab raaca dib eegista Dastuurka

 

Arbaco, November, 27, 2019 (HOL)-Waxaa magaalada Muqdisho kulan ku leh Baarlamaanka Labada Aqal ee Soomaaliya, waxaana uu kulankan noqonayaa kii saddexaad oo ay wada jir u yeeshaan xildhibaannada labada Aqal.

newsinsideXildhibaannada ayaa wadajir uga dooddaya ansixinta iyo meel marinta Habraaca dib u eegista  Dastuurka,  waxaana ku sugan Golaha oo Warbixin laga dhageysanayaa Guddoomiyaha Guddiga la  socodka Dib u eegista Dastuurka ee Labada Aqal Cabdi Qeybdiid.

Waxaa fadhiga ku sugan oo soo xaadiray 186 Xildhibaan, waxaa shir guddoominaya oo ku sugan Guddoonka Labada Aqal oo aan kala maqneyn.

Guddiga la socodka dib u eegista Dastuurka ayaa labadii sano ee la  soo dhaafay waxaa uu ku mashquulsanaa dib u eegista 11 cutub oo ka mid  ah 15 cutub oo uu ka kooban yahay Dastuurka.

Fadhigooda maanta ayaa la filayaa in ay ku meel mariyaan Xildhibaannada Labada Aqal Habraaca  dib u eegista Dastuurka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]