
Arbaco, November, 27, 2019 (HOL)-Dab xooggan ayaa saaka subixii qabsadsay dhisme ka mid ah daaraha xaafada Cedar-Riverside ee magaaladda Minneapolis gobolka Minnesota.
newsinsideAroornimadii Hore markay ahayd 4:45 daqiiqo ayaa waxaa uu dab ka kacay
dhismaha 630 oo ah dhisme ku yaala xaafadda Cedar-Riverside ee ay
Soomaali aadka u degto. Dabka ayaa ka kacay dabaqa 14-aad ee dhismaha iyadoo dhismahuna ka kooban yahay 25 dabaq, iyadoo xalay oo dhana baraf & qaboow badan uu magaaladda ka da'aayey.
Dadweynaha deggan ama ku nool dhismahan uu dabku qabsaday
ayaa u baddan Soomaali waayeel ah iyo dad curyaamo ah , waxaana la soo badbaadiyey badi dadkii dhismaha daganaa
Ilaa iyo hadda waxaa la sheegayaa in ay dabka ku dhinteen shan qof, dhaawacuna waxaa loo qaaday cisbitaaladda magaaladda Minneapolis .
Siyad Said Salah
Minneapolis ,MN