3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 11, 2019
Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo daahfurtay shirka dib u eegista waxbarashada Qaranka


Isniin, November 11, 2019 (HOL )–Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa maanta daahfurtay shir dib u eegista waxbarashada qaranka, kaasi oo lagu lafa gureyo heerarka kala duwan ee waxbarashada Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa shirkan furey, waxaana ka soo qaybgallay Wasaaradaha Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, wasaarada shaqo gelinta iyo Arrimaha Bulshada iyo qaar kamida Hay’addaha Caalamiga ah, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada.

“ Waxaa maanta runtii farxad weyn ii ah inaan ka Soo qeyb galo Barnaamijka Dibu-eegista Wasaaradda Waxbarashada ee sannad walba dib loogu eego halkay marayso Tacliinta runtii oo laf-dhabar u ah ummadd kasta oo jirta, aad iyo aad baan runtii ugu mahadnaqayaa wasaaradda waxbarashada hawsha balaadhan ee ay qaranka u hayso”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylici.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay inay waxbarashadu ku haboon tahay in baalaha laga wadda joogo waxaana uu yidhi markale “Waxaan halkan aad iyo aad uga hambalyeynayaa gobolada runtii waxbarashadoodu kor usoo kacday, waxaa kamida waxyaabaha waxbarashadu kor ugu soo kacdo, Dawladd na keligeed waxba ma qaban karto, wasaaradna keligeed waxba ma qaban karto , Macalina keligii waxba ma qaban karo haddaanu waalidku dhiniciisa kala soconin waxbarashadii”

Sidoo kale, wasaarada waxbarashada ayaa sheegtay in dib loo qiimeyn doonno jaamacadaha dalka,isla markaana kala hufi doono si waxbarashada heerarkeeda kala duwan iskula jaanqaadaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland. 













Click here
11/11/2019 4:52 PM EST
GODEEY, ITOOBIYA (HOL) - Wararka naga soo gaarayaa magaalada Godeey ee ismaamulka dalka Itoobiya waxay sheegayaan in uu ku guulaystay xilka Guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Mahdi Maadey oo helay codadka intii u badnayd.

11/11/2019 12:31 PM EST
Isniin, November,11 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya

11/11/2019 6:42 AM EST
Isniin, November, 11, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi kaga qayb-gelaya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey.

11/11/2019 2:55 AM EST
Isniin, November, 11, 2019 (HOL)-Maxkamadda Darajada Koowaad ee Magaalada Boosaaso ee Puntland ayaa saakay xukun ku riday rag dhalinyaro ah, kuwaasi oo fal burcadnimo ah ka geysan jiray Magaalada Boosaaso.

11/11/2019 2:47 AM EST
Isniin, November, 11, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya deegaanka Tareedisho ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari ay la socdeen ciidamada dowladda lala eegtay Qarax Miino

11/11/2019 12:06 AM EST
Isniin, November, 11, 2019 (HOL)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa dalka Faransiiska uga qeybgalaya Madasha Nabada Paris ee dalka Faransiiska.

11/11/2019 12:02 AM EST
Isniin, November, 11, 2019 (HOL) – Madaxwenayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xassan Sheekh Maxamuud oo ayaa si adag uga hadlay isku day-Dowladda Fedreraalka ay dooneysay in ay isaga hortaagto safarkii shalay ay ku tageen magaalada Beledweyne.