3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 11, 2019
Xiisada Siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo meel sare gaartay

 

Isniin, November, 11, 2019 (HOL) – Madaxwenayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xassan Sheekh Maxamuud oo ayaa si adag uga hadlay isku day-Dowladda Fedreraalka ay dooneysay in ay isaga hortaagto safarkii shalay ay ku tageen magaalada Beledweyne.

Labada madaxweyne hore oo galinkii danbe ayaa shalay markii ay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho la hadlay warbaahinta iyaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay in xiliggan madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya mashquul ku yihiin wax aan aheyn wixii loo idmaday.

‘’Mas’uuliyada lama wada-laha, dalka waxaa loo doortay madaxweyne, xukuumaddana waxaa mas’uul ka ah Ra’iisal Wasaaraha in Dowladda xiligan mashquul ku tahay habel ma dhoofi karo, iyo habel ma soo degi karo waa arin nasiib darro ah, wixii shalay dhacay waan ka xunnahay, 7:00 Aroornimo ayaa Garoonka soo galnay waxaan ka dhoofnay oo ka baxnay Garoonka 11:00 Duhurnimo, waxaa naloo sheegay in Garoonka diyaaradaha Beledweyne ay biyo fadhiyaan, markii aan tagnay iska daa’ in ay biyo fadhiyaan e’ waad yaabeysaa marka ay diyaaraduhu duulayaan boorka ka kacaya Garoonka, arintaasi waxey aheyd dulmi, ‘’ ayuu yiri Xassan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya islamarkaana ah guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa ku hanjabay in ay talaabo ka qaadayaan dowladda hadda jirta haddii aysan ka waan-toobin ayuu yiri hab dhaqankan aan waxba ka duwaneyn ayuu yiri kan Al-shabaab.

“Magaaladaan Mooryaanaa heysan jirtay sow maaha, waa lala dagaalamay waa la raacdeeyay mise waa beentey, Itoobiyaanaa soo galay maxaa lagu sameeyay waa la eryay,Shabaabaa qabsaday, Maka xoog badan yihiin dadkaan?” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

“Walaahi Thuma Walaahi, Walaahi Thuma Walaahi, Walaahi Thuma Walaahi hadeysan joojin waan bixineynaa” ayuu intaa ku daray Shariifka

 

Laakiin dowladda Soomaaliya oo ka hadashay hanjabaada madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa mid filanwaa iyo la yaab leh.

“Warka ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waa mid la yaab iyo filanwaa ku noqday ummada Soomaaliyeed kaas oo aan u qalmin maqaamka iyo karaamada qof hore dalkaan xil astaan qaran u soo noqday.”ayuu yiri Wasiir Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ay ugu baaqayaan in uu dhowro magaciisa iyo sharafkiisa, kana dheeraado wax-walba oo dhaawacaya muuqaalka qaran ee uu xambaarsan yahay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo xiisadan dhankiisa ka hadlay ayaa sheegay in looga baahan yahay labada dhinacba in ay xaalada dajiyaan waxaana uu dhanka kale sheegay in madaxweynayaashii hore mar walba mudan yihiin in la xormeeyo.

Diyaaradii siday wafdiga madaxweynayaashii hore ayaa maalintii shalay ay ku adkaatay in ay ka degto Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne oo lagu micneeyay Garoonka oo qeybo ka mid ah ay biyo ku jireen sida uu sheegay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Wafdiga madasha Xisbiyada Qaran ayaa u tagay maalintii shalay magaalada Beledweyne in ay gaarsiiyaan gargaarkii ay ugu tala galeen dadka ay saameeysay Fatahaadda, xilli toddobaadkii hore ay iclaamiyeen in Laba boqol kun oo dollar, ay ugu talagaleen inay kaga qayb qaataan gurmadka fatahaadaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/11/2019 4:52 PM EST
GODEEY, ITOOBIYA (HOL) - Wararka naga soo gaarayaa magaalada Godeey ee ismaamulka dalka Itoobiya waxay sheegayaan in uu ku guulaystay xilka Guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Mahdi Maadey oo helay codadka intii u badnayd.

11/11/2019 12:31 PM EST
Isniin, November,11 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya

11/11/2019 8:56 AM EST
Isniin, November 11, 2019 (HOL )–Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa maanta daahfurtay shir dib u eegista waxbarashada qaranka, kaasi oo lagu lafa gureyo heerarka kala duwan ee waxbarashada Somaliland.

11/11/2019 6:42 AM EST
Isniin, November, 11, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi kaga qayb-gelaya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey.

11/11/2019 2:55 AM EST
Isniin, November, 11, 2019 (HOL)-Maxkamadda Darajada Koowaad ee Magaalada Boosaaso ee Puntland ayaa saakay xukun ku riday rag dhalinyaro ah, kuwaasi oo fal burcadnimo ah ka geysan jiray Magaalada Boosaaso.

11/11/2019 2:47 AM EST
Isniin, November, 11, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya deegaanka Tareedisho ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari ay la socdeen ciidamada dowladda lala eegtay Qarax Miino

11/11/2019 12:06 AM EST
Isniin, November, 11, 2019 (HOL)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa dalka Faransiiska uga qeybgalaya Madasha Nabada Paris ee dalka Faransiiska.