4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 11, 2019
Xukun lagu riday dhalinyaro falal burcadnimo xiliyada habeenkii ka geysan jirtay Boosaaso

 

Isniin, November, 11, 2019 (HOL)-Maxkamadda Darajada Koowaad ee Magaalada Boosaaso ee Puntland ayaa saakay la horkeenay dhalinyaro la sheegay in ay xilyada habeenkii falal burcadnimo ka geysan jireen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Faysal Cabdinaasir Cabdullaahi iyo Cabdiraxmaan Cali Maxamuud  (Awoowe) oo ka soo hormuuqday maxkamada ayaa lagu eedeeyay in xiliyada habeenkii  ay dhac iyo  furasho u geysan jireen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan Boosaaso,  iyagoona markii dambe la soo qabtay, isla markaana la dhigay xabsi.

Cabdiraxmaan Cali Maxamuud ayeey maxkamadu ku xukuntay saddex sano oo xarig ah, sidoo kale Maxkamadda ayaa Faysal Cabdinaasir ku xukuntay isna laba  sano oo xarig ah iyo saddex boqol oo Dollar oo ganaax ah, waxaana maxkamadda lagu soo bandhigay cadeymo la xiriira Kiiska lagu eedeeyay raggan.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ayaa  tilmaamtay inay jiraan rag kale lagu soo eedeeyay kiiskaas, isla  markaana dhawaan la horkeeni doono Maxkamadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]