4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 11, 2019
War Deg-Deg - Ururka ONLF oo doortay guddoomiye cusub

Guddoomiyah cusub ee Ururka ONLF Cabdiraxmaan Mahdi Maadeey
GODEEY, ITOOBIYA (HOL) - Wararka naga soo gaarayaa magaalada Godeey ee ismaamulka dalka Itoobiya waxay sheegayaan in uu ku guulaystay xilka Guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Mahdi Maadey oo helay codadka intii u badnayd.

Ergada wax dooranaysay oo tiradoodu ahayd 604 ayaa markii uu gabalku dhacay waxay bilaabeen qabanqaabada doorashada, waxyar kadibna waxay galeen inay u codeeyaan qofka noqonaya Guddoomiyaha Ururka ONLF iyagoo codadkooda kala siinayay labada tartame ee kala ahaa Cabdiraxmaan Mahdi iyo Axmed Yaasiin Sh Ibraahim, guushuna ku raacday Cabdiraxmaan Mahdi Maadey.

Guddoomiyaha cusub ee ONLF Cabdiraxmaan Mahdi ayaa badali doona Guddoomiyihii hore ee ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo ahaa Guddoomiyihii Ururka ONLF xilligii ay halganka qoriga ku jirtay.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Mahdi ayaa waxa uu kamid ahaa raggii aasaasay Ururka ONLF, wuxuuna ahaa xilligii u dambaysay Xoghayaha Ururka ONLF, isagoo hadda loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Ururka ONLF.

Haddaba Guddoomiyahan cusub ee la doortay ayaa aad loosoo dhaweeyay, iyadoo laga war sugayo qorshayaasha uu Ururka ONLF ku hoggaamin doono, iyo waliba sida uu ula jaanqaadayo is badalka siyaasadda dalka Itoobiya ee aan fadhin.