4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2019
Dahabshiil oo beenisay in uu jiro xiriir kala dhaxeeya DP World oo ku saabsan dagaalka dekeddaha

 

Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)- Shirkadda Dahab Shiil ayaa Qoraal ay soo saartay si adag uga jawaabtay Barnaamij laga baahiyay TV-ga Al-Jazeera qeybta Afka Carabta oo ku saabsanaa xiriirka xiriirka Dahabshiil iyo xiriirka DP World oo ku jirtay barnaamij ku saabsanaa dagaalka dekeddaha ee Geeska Afrika.

Barnaamijka ka baxay TV-ga oo lagu magacaabay “Al-Masaafa Sifrr”. Ayeey shirkaddu sheegtay in uu ahaa gabi ahaanba mid aan xaqiiqda ku dhisneyn, balse markii danbe waxaa ay shirkaddu sheegtay in mas’uuliyiinta TV-ga  garwaaqdsadeen in ay bartooda Internet-ka ka saaray baahinta warkan, kaddib cabasho ay shirkaddu u qortay maamulka Al-Jazeera ee fadhigoodu yahay magaalada Doxa ee dalka Qatar.

War Saxaafaddeedka shirkadda ayaa u qornaa siddan :

Shirkadda Dahabshiil Group waxay si xooggan isaga fogaynaysaa eedaymaha been abuurka ah ee laanta Carabiga ee telefishanka Aljazeera naga baahisay, Waxay baahintani xambaarsanayd eedaymo been abuur ah, kuwaasoo gabi ahaanba ahaa sharaf dil iyo eedaymo ku saabsan ku lug lahaansho arrimo siyaasadeed, eedahan waxay u muuqdaan kuwo ay dabada ka riixayso arrimo la xiriira siyaasad degaamaysan (Geo-political reasons)

Dahabshiil waa shirkad gaar loo leeyahay, waana ganacsi caalami ah, una adeegta bulshada dunida sidaas awgeedna sinaba uguma lug laha siyaasaddo dawladeed, ama kooxaysi siyaasadeed. Ujeedadayada kaliya waa in aanu adeeg fiican u samayno macaamiisha waxna ku celino bahwadaagtayada.

Dahabshiil lama siinin xuquuqda jawaabta iyo fadcelintayadii intii aanay Aljazeera baahin warbixinta. Haddii ay nala soo xidhiidhi lahaayeen iyada oo ay naga xigtay in ay telefoon noo soo diraan, waxaa laga fogaan lahaa khaladadaadka iyo been abuurka badan ee warbixinta ku jira oo ay heli lahaayeen xogtooda saxda ah.

Dahabshiil waxay ugu baaqaysa telefishanka Aljazeera in uu ka noqdo eedaha aan sal iyo raad toona lahayn ee ay naga baahiyeen, islamarkaana macluumaadkan waa inay ka saaraan boggagga lagu baahiyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]