4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2019
Bandhig aqooneed ay qeyb galeen arday 3,000 ka badan oo la soo gebagebeeyey


Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)- Bandhig aqooneed socday muddo saddex cisho ah ayaa lagu soo gebagebeeyey xarunta kambaska Dr. Shahiid ee Jaamacadda Benaadir oo ku yaalla degaanka km-13 ee duleedka magaalada Muqdisho.

Waxaa bandhigan ka faa'iideystay arday ka badan 3,000 kun oo sanadkan dhameystay dugsiyada Sare ee gobolka Banaadir, iyadoo bandhigan ujeedadiisu aheyd sidii ardaydu u kala xulan lahaayeen kuliyadaha ku haboon, una heli lahaayeen macluumaad la xiriira tayada waxbarasho iyo qalabka ay leedahay Jaamacadda.

Munaasabada xiritaanka bandhigan oo lagu qabtay xarunta Jaamacada ee Km-13 ayaa waxaa ka qeyb galay arday, waalidiin xubno ka tirsan Maamulada Jimciyadaha iyo dugsiyadaha Muqdisho, Masuuliyiinta, Mu'asasada iyo hormuudyada Jaamacada Benaadir qaarkood iyo xubno kale.

Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca Waxbarashada ee Jaamacadda Benaadir Khaliif Muuse Warsame oo ka hadlay Munaasabada ayaa ka waramay muhimada uu leeyahay barmaamijkan iyo qaabka looga soo shaqeeyey, isagoo xusay in maamulka iyo mu'asasada Jaamacada ay mar kasta yihiin kuwo waxqabadkooda ku dabaqa horumarinta waxbarashada.

Hormuudka Kuliyadda beeraha ee Jaamacadda Benaadir Maxamed Shiikh Cabdi oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa ka waramay Sooyaalka Jaamacada, xiligii la aasaasay, marxaladaha ay soo martay, qeybaha ay ka kooban tahay, guulaha ay gaartay mudadii ay jirtay iyo waxyaabaha ay higsaneyso mustaqbalka dhow.

Guddoomiye ku-xigeenka Mu'asasada Banaadir C/risaaq Xasan Cali oo isna ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in jaamacadu ay qabatay bandhigan iyadoo ka duuleysa baahida ardayda dhameysata dugsiyada sare u qabaan iney helaan xog ku saabsan tayada Jaamacadda ay ku biiri lahaayeen, isagoo xusay in ardayda ka qeyb qaadatay ay wax badan ka korosadeen.

Guddoomiyaha Jaamacadda Benaadir Dr. Maxamed Max'uud Biday oo gebagebadii Munaasabada ka hadlay ayaa sheegay iney ku guuleysteen hadafkii laga lahaa bandhiga ay qabatay Jaamacada, isagoo xusay kumanaan ka tirsan ardayda dhameysatay dugsiyada sare ee dalka ay haatan xog ka heystaan xog ku aadan tayada tacliinta taalla jaamacada, ayna iyagu leeyihiin go'aanka ugu dambeeya.

"Waxaan aad ugu mahad celinayaa Mu'asasada Banaadir, guddiyada ardayda Jaamacadda iyo hormuudyada kaalinta weyn ka geystay taabagalka bandhigan iyo dhamaan ardayda iyo maamulada dugsiyada ka qeyb qaatay, waxaana balan-qaadaynaa inaan mustaqbalka sii xoojino barnaamijyada noocan ah" ayuu yiri Dr. Biday oo dhinaca kale ku dheeraaday waxqabadka jaamacada mudadii ay jirtay.

Gudoomiyaha jaamacada ka hor waxaa munaasabada hadalo qiimo badan ka jeediyey masuuliyiin ka socotay dalladaha Waxbarashada ee SOFE iyo FPENS, qaar ka mid ah maamulada iskuulada ka qeyb qaatay bandhigan, Waalidiin, Macalimiin iyo xubno kale oo Jaamacada Benaadir ku amaanay dedaalka aan kala joogsiga laheyn ee ay ugu jirto horumarinta tacliinta sare, iyagoo ku booriyey iney soo xoojiso, waxayna munaabaddaas ku dhamaatay jawi aad u farxad badan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]