4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2019
Dowladda New Zealand oo joojineysa hubka ay isticmaalaan rayidka

 


Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)- Dowladda dalka New Zealand ayaa sheegtay in ay joojin doonto isticmaalka nuucyada hubka ee dadka rayidka ah, ka dib markii dalkaasi ay soo mareen xaaladdii ugu xumeyd ee lagu laayo 50-ruux oo ku jiray Masjid.

Ra’iisal wasaaraha dalkaasi haweeneyda lagu magacaabo acinda Ardern ayaa sheegtay in la mamnuuci doono dhammaan nuucyada hubka u dhaca darandooriga e eku jira gacanta shirkadaha gaarka ah iyo dadka rayidka ah.

Haweeneydaasi ayaa intaa ku dartay in ruqsadaha ama shatiyada lagu bixiyo ka ganacsiga nuucyada hubka lala noqon doono ,isla markaana la soo celinaayo hubka gacanta ugu jira dadka rayidka ah.

Inkastoo dalka New Zealand ay hareeyeen toogashadii dhcday maalinimadii Jimcaha ,haddana E/wasaaraha waxa ay sheegtay in 11-ka bisha April ay fileyso in Baarlamaanku uu soo saaro sharci lagu joojinaayo hubka ee xagga dadweynaha.

Brenton Tarrant oo ah ninka geystay dhimashada dadka Muslimiinta ah ayaa la sheegay in uu dalka New Zealand uu ka heystay shatiga qoryihii uu ku laayey dadkaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]