4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2019
Puntland: $7.2 milyan oo lagu taageerray waxbarashada

Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daahfuray mashruuc ballaaran oo taageerraya waxbarashada Puntland,iyadoo oo ay ku baxayso adduun lacageed oo dhan 7.2 Milyan oo doollarka Marekanka ah.

Mashruucan oo uu taageerrayo Midowga Yurub ayaa  loogu yeera 'Waxbarashadu Waa Iftiin' , waxaana daahfurka saddexaad ka qaybgalay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Pencho Garndo Ruiz.

"Runtii maanta waxay ii tahay farxad aad u weyn inaan daah-furno ‘Aqoontu waa Iftiin barnaamijkiisii saddexaad... Tacliintu waa iftiin ummadeed, haddii aanay tacliintu jiri lahayn Puntland maanta sida ay u egtahay uma ekaateen, dadka garbahan u ah Puntland maanta waxay u badan yihiin dadkii helay fursadaha waxbarasho, waxaan aad ugu mahadcelinayaa Midowga Yurub iyo saaxiibbo badan oo gacan weyn kasoo geystey waxbarashada Puntland". ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

982 xarumo waxbarasho ayaa ku yaalla Puntland,waxaana wax ku barta ku dhawaad 210,000 'laba boqol iyo toban kun', sida uu sheegay madaxweynaha Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]