Golaha wasiirrada Puntland oo ansixiyay miisaaniyadda, amniga iyo arrimo kalana ka hadlay



Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)-  Golaha wasiirrada Puntland oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaad laha ahaa ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay miisaaniyadda xukuumadda ee muddada sannadkan ka dhiman.

newsinsideShirka golaha wasiirrada Puntland oo uu guddoomiyay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale looga hadlay arrimaha amniga,iyadoo wasiirrada ay sheegeen in si dhow ay ula socoto Puntland dhaqdhaqaaqyada ciidanka Soomaaliland ee gobolka Sanaag.

Sidoo kale, shirka ayaa looga hadlay xaaladda abaarta ee Puntland,waxaana wasiirrada warbixin siiyay guddiga qiimeynta iyo u kuurgelidda saameynta abaarta.

Hoos ka akhri warsaxaafadeed shirka ka soo baxay;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]