4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2019
Dagaal ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray gobolka Shabeellaha Hoose

 

Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay degmada Buula-Mareer uu dagaal culus ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Ururka Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa la sheegay in xalay weerar culus ku qaadeen Saldhigyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM,waxana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo mudo saacado ah qaatay,sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab, islamarkaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen.

Wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya deegaanka Buulo Mareer ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan, iyaga oo dadka deegaanka ay sheegayaan in mararka qaar ay rasaas maqlayaan wallow uusan dagaal jirin.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa ka mid ah deegaannada ugu badan oo ay weerarrada ka geystan xoogagg Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]