4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2019
Dabley askari ku dishey magaalada Laascaanood

 

Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)- Dabley aan haybtooda la aqoonsan ayaa askari ka tirsan ciidanka asluubta caawa ku diley waqooyiga magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Dableyda falkan geysatey oo la sheegay in ay ku hubaysnaayeen qoryaha AK47 ayaa goobta ka tegey iyagoon la aqoonsan.

Qaar ka mid ah ehelada ninka la diley oo aan kula kulanay isbitaalka Fayo oo la geeyey ayaa waxay HOL u sheegeen in rasaas aan loo miidaan deyin ku dhacday.]

Ninkan la diley oo lagu magcaabi jirey Maxmed Axmed Saalax ayaan masuuliyiinta amaanku iyo Asluubtu aanay ka hadlin.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool