4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2019
Puntland: Waa inan qayb ka noqona wada-hadallada Soomaaliland

Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)-  Puntland ayaa usoo jeedisay dowladda federaalka in laga qaybgeliyo wadahadallada Soomaaliland, xilli wadahadallada ay muddo hakad ku jiraan.

"Sida uu qabo dastuurka federaalka ahi, gorgortan iyo heshiis walba oo saamaynaya dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah waxaa waajib ah in laga qaybgeliyo oo uusan ku koobnaan kaliya dowladda federaalka... Sidaas darteed Puntland waa inay qayb ka tahay wada-hadal walba oo saamayn ku leh deegaannada Puntland gaar ahaan wadahadallada u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Soomaaliland". ayaa lagu yiri war-murtiyeed laga soo saaray shir saddexdii maalin ee u dambeysay ka socday Garoowe.

Shirkan oo uu maanta soo gabagabeeyay madaxweynaha Puntland ayaa looga hadlay Jihaynta Siyaasadda xukuumadda cusub ee  Puntland.

Hoos ka akhri warmurtiyeedka laga soo saaray shirka;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]