4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2019
Koonfur Galbeed oo ku baaqday dagaal ka dhan ah Al-shabaab

 

Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)- Kaddib qaraxyo dad badan ay ku dhinteen oo maalintii shalay ka dhacay deegaanka Goofguduud ee gobolka Baay ayuu maamulka Koonfur Galbeed ku baaqay dagaal ka dhan ah xarrakada Al-shabaab.

Madaxweynaha maamulka Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa sheegay haddii aysan bulshada Koonfur Galbeed meel uga soo wada jeesan dagaalka ka dhanka Al-shabaab geysan doonaan dhibaato intan ka badan.

Wuxuu ku baaqay in shacabka ku dhaqan deegaanka Koonfur Galbeed meel uga soo wada jeestaan dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-shabaab si looga hortago khasaare danbe oo ay u geystaan sida uu hadalka u dhigay Shacabka.

Maamulka Koonfur Galbeed ayuu sheegay in ay sameyn doonaan qorsho amni oo lagu wajahayo Al-Shabaab,waxaana uu ka dalbaday Shacabka inay ciidamada kala taageeraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Qaraxyadii shalay ka dhacay Suuq lagu iibiyo xoolaha deegaanka Goofguduud waxaa ku nafwaayay in la ogyahay Shan ruux halka 40 kalana ay ku dhaawacmeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]