4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2019
Warar ku saabsan duqeymihii ugu danbeeyay ee Mareykanku ka fuliyay Shabeellaha Hoose

 

Khamiis, Maarso, 14, 2019 (HOL)- Taliska Mareykanka ee Africom ayaa ka hadlay duqeymihii ugu danbeeyay oo ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in duqeymo ay ka fuliyeen deegaanka lagu magacaabo Hulay oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose, ku burburiyeen xarumo iyo saldhigyo ay halkaa ku lahaayeen xoogagga Ururka Al-shabaab islamarkaana ku dileen labo xubnood oo ka tirsan dagaalayahannooda.

Mareykanka ayaa sheegay in kordhinayaan cadaadiska militari oo ay ku hayaan Al-shabaab iyaga oo gacan siinaya ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira.

Dhawaan ayeey aheyd markii iska horiamad culus uu ku dhaxmaray deegaannada Daaru-Salaam iyo Awdheegle oo ka wada tirsan Shabeellaha Hoose ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka oo is garabsanaya iyo Al-shabaab, waxaana ay Shabaabku sheegteen in ay dileen hal askari oo ka tirsanaa ciidamada Mareykanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]